Tuesday, April 14, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo xarigga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Munaasabadda waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin iyo howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay muhiimad weyn u leedahay kor u qaadista awoodda luqadeed ee shaqaalaha iyo ciidamada loo diraayo tababarrada caalamiga ah, isagoo ku tilmaamay buundo muhiim ah oo Soomaaliya ku xireysa bulshada caalamka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in xaruntan loo aas-aasay si loo horumariyo xirfadaha luqadaha iyo adeegyada tarjumaadda ee howlwadeenada Wasaaradda iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u daboolaan baahiyaha luqadeed ee Wasaaradda, Ciidanka, iyo howlgallada amniga ee dalka.

Ugu dambayntii, Wasiir Fiqi wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha inay ka faa’iidaystaan fursaddan, ayna kor u qaadaan aqoonta iyo xirfadaha dhanka luqadaha, si ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles