Sunday, June 1, 2025

Wasiirkii Batroolka oo booqday dhaawacyadii Aboorrey, kuna baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Wasiirkii hore ee Bartroolka Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta kormeeray dhaawacyadii dagaalkii Aboorrey ee Gobolka Hiiraan, waxa uu Alle uga baryay caafimaad waara, halka dadkii ku geeriyoodana uu ku geeriyoodana uu ugu duceeyay in uu Jannadii geeyo.Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sidoo kale dhaawacyada ku wareejiyay taageero maaliyadeed, waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu ka war hayn doono xaaladdooda caafimaad.

Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in maanta Soomaalida ay u furantahay waddo oo kaliya waana in ay la dagaallamaan kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab, loona midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo booqda dhaawacyadii dagaalka Aboorrey.

Gobolka Hiiraan ayaa noqday meesha qura ee sida adag lagula dagaallamay Kooxda Al-shabaab oo ah  urur argagaxiso, waxaana muuqata in ciidamada dowladda & kuwa deegaanka ay xaqiijinayaan guulo ballaaran.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles