Sunday, June 1, 2025

Weerar ku billowday qaraxyo oo saaka lagu qaaday Aadan Yabaal

Maleeshiyaadka AL-shabaab ayaa saaka weerar saddex jiho ah ku qaaday Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarka ayaa marka hore ku bilowday qaraxyo, kadibna waxaa xigay dagaal toos oo dhexmaraya ciidamada xoogga iyo Al-shabaab.

Dagaal xoogan ayaa waqtigaan ka socda banaanka hore ee degmada  Aadan Yabaal, iyadoo weerarka uu ku bilowday Qaraxyo waaweyn.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wali iska caabinaya weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab Waxaana warar kala duwan sheegayaan in hub culus laga maqlayo gudaha iyo banaanka degmada Adan Yabaal

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles