Weerarada Xuutiyiinta oo saameyn ku yeeshay ganacsiga Maraakiibta

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in, sida ku cad xogta maraakiibta ee madasha falanqaynta Kepler, isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandeb uu hoos u dhacay kadib weerarradii ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga ee xeebta Badda Cas iyo ku dhawaaqistoodii xanibaadda badda ee dalkaas.

Maalintii Axadda, 11 markab oo xamuul sida ayaa maray marinka Bab al-Mandeb, taasoo ah tiradii ugu yarayd ee la diiwaangeliyo bilihii u dambeeyay, sida ay xogtu muujinayso.

Toddobo ka mid ah maraakiibtaas waxay ahaayeen kuwa shidaalka qaada, iyadoo saddex ay galeen Badda Cas halka afar kalena ay ka baxeen.

Dhanka kale, xogta Kepler waxay muujinaysaa in wax ka yar 10 markab ay maalin kasta ka gudbeen marinka Hormuz intii lagu jiray dhammaadka usbuuca, inkastoo ay joogsadeen weerarradii is-dhaafsiga ahaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan.

Sida ay Reuters sheegtay, Sabtidii waxaa marinka maray saddex markab oo damiyay qalabkooda gudbinta xogta. Axaddii, toddobo markab ayaa maray, kuwaas oo ay ku jireen saddex markab oo shidaal sida isla markaana lala xiriirinayo Iiraan, iyagoo ka baxay marinka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles