Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza ay la daalaa dhacayso musiibo caafimaad oo saamayn doonta jiilal badan oo soo socda.
Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u sheegay warbaahinta in Qaza ay wajahayso isku dhafka xaalado halis ah sida gaajo, cudurro iyo nidaamka caafimaadka ee burburay, taas oo ka sii dartay sababo la xiriira xayiraadaha saran gargaarka bini’aadanimo.
Tedros ayaa sheegay in qaybinta gargaarka ay aad u hoosayso loona baahan yahay dib u dhiska nidaamka caafimaadka ee deegaanka.
Waxa uu ugu baaqay Israa’iil in aysan shuruudo ku xirin gaarsiinta gargaarka Qaza, isaga oo intaa ku daray in aan gargaarka loo adeegsan hub ahaan.