Monday, February 23, 2026

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Galkacyo ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo murugo leh, kadib markii rasaas lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka shaqeyn jiray mooto Bajaaj, laguna magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed.

Marxuumka ayaa rasaastu ku haleeshay xilli uu ku sii jeeday isbitaal, isagoo waday wiil dhaawac ahaa oo burcad hubeysan ka furteen taleefan nooca iPhone ah, kadibna u geystay dhaawac.

Dhacdadan ayaa ka dhacday agagaarka Kaalinta Hon Gas, inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha iyo kaalinta shidaalka, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Ninka falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, iyadoo ilaa iyo hadda aan la aqoonsan eedeysanaha, mana jiraan cid si rasmi ah loo soo qabtay.

Laamaha ammaanka ayaan weli faahfaahin rasmi ah ka bixin dhacdadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles