Magaalada Galkacyo ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo murugo leh, kadib markii rasaas lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka shaqeyn jiray mooto Bajaaj, laguna magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed.
Marxuumka ayaa rasaastu ku haleeshay xilli uu ku sii jeeday isbitaal, isagoo waday wiil dhaawac ahaa oo burcad hubeysan ka furteen taleefan nooca iPhone ah, kadibna u geystay dhaawac.
Dhacdadan ayaa ka dhacday agagaarka Kaalinta Hon Gas, inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha iyo kaalinta shidaalka, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.
Ninka falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, iyadoo ilaa iyo hadda aan la aqoonsan eedeysanaha, mana jiraan cid si rasmi ah loo soo qabtay.
Laamaha ammaanka ayaan weli faahfaahin rasmi ah ka bixin dhacdadan.


