Saturday, April 11, 2026

Xamaas oo sii daysay 3 kale oo Israa’iiliyiin ah

Saddex maxbuus oo ay Israailiyiin ah oo ay ururka Xamaas haysteen oo kala ahaa Iair Horn, Sagui Dekel-Chen iyo Sasha (Alexander) Troufanov ayaa laga sii daayay Gaza, sidoo kale Israel ayaa sii daysay illaa 369 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jirey xabsiyadeeda.

 

Saddexda qof ee Israa’iiliyiinta ah ayaa la horgeeyay masrax ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xamaas ee Falastiiniyiinta ah oo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca ee dhinac kasta ka taagan goobta Khan Younis, ka hor intii aanay ciidammada Israa’iil u qaadin Israa’iil.

Wax yar ka dib, baskii ugu horreeyay oo siday maxaabiis Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay xabsiga Ofer ee Israa’iil ee ku yaal Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato ayaa gaaray Ramallah halkaas oo ay ku sugayeen dad aad u faraxsan oo qaarkood lulaya calanka Falastiin.

 

Tan iyo markii ay xabbad-joojintu bilaabatay 19 January, Xamaas ayaa sii deysay 16 la heyste Israa’iiliyiin ah iyo shan u dhashay Thailand. Israa’iil ayaa dhankeeda sii deysay 766 maxaabiis Falastiiniyiin ah, sida laga soo xigtay hay’adda Laanqeyrta Cas.

 

Sii deynta saddexda Israa’iil iyo 369 Falastiiniyiinta ah ayaa yareeyay cabsida laga qabay in heshiiska xabbad joojinta uu burburo ka hor inta uusan dhammaan 42-ka maalmood ee marxaladda koowaad ee heshiis xabbad-joojin ah oo shaqeynaya tan iyo 19-kii Janaayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles