Monday, December 22, 2025

Xamaas oo sii daysay 3 kale oo Israa’iiliyiin ah

Saddex maxbuus oo ay Israailiyiin ah oo ay ururka Xamaas haysteen oo kala ahaa Iair Horn, Sagui Dekel-Chen iyo Sasha (Alexander) Troufanov ayaa laga sii daayay Gaza, sidoo kale Israel ayaa sii daysay illaa 369 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jirey xabsiyadeeda.

 

Saddexda qof ee Israa’iiliyiinta ah ayaa la horgeeyay masrax ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xamaas ee Falastiiniyiinta ah oo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca ee dhinac kasta ka taagan goobta Khan Younis, ka hor intii aanay ciidammada Israa’iil u qaadin Israa’iil.

Wax yar ka dib, baskii ugu horreeyay oo siday maxaabiis Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay xabsiga Ofer ee Israa’iil ee ku yaal Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato ayaa gaaray Ramallah halkaas oo ay ku sugayeen dad aad u faraxsan oo qaarkood lulaya calanka Falastiin.

 

Tan iyo markii ay xabbad-joojintu bilaabatay 19 January, Xamaas ayaa sii deysay 16 la heyste Israa’iiliyiin ah iyo shan u dhashay Thailand. Israa’iil ayaa dhankeeda sii deysay 766 maxaabiis Falastiiniyiin ah, sida laga soo xigtay hay’adda Laanqeyrta Cas.

 

Sii deynta saddexda Israa’iil iyo 369 Falastiiniyiinta ah ayaa yareeyay cabsida laga qabay in heshiiska xabbad joojinta uu burburo ka hor inta uusan dhammaan 42-ka maalmood ee marxaladda koowaad ee heshiis xabbad-joojin ah oo shaqeynaya tan iyo 19-kii Janaayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (...

Wasiir Bashiir Goobe oo qiimeyn ku sameeyay Isbeddelka Cimilo ee Deegaannada Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee XFS Bashiir...

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Dhismo casri ah oo lagu soo kor-dhiyay xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles