Thursday, April 9, 2026

Xildhibaanada labad Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyada DFS ee sanadka 2026

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa todobaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Guntanka ama kooramka kulanka wadajirka ah oo ku furmay 169-Xildhibaan, ayaa Ajendihiisu waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Xeerka Qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, waxaana Akhrinta labaad ee warbixinta miisaaniyadda mudanayaasha labada Aqal u akhriyey Guddoomiye kuxigeenka guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta, iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi.

Intaasi ka dib, kulanka oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka waxa ay su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, kororka ku yimid iyo meelaha loogu talo galey weydiiyeen mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada in ay soo diyaariyaan Akhrinta sedaxaad ee miisaaniyadda iyagoo kusoo daraya dooda iyo aragtiyada Xildhibaanada, dibna Golaha ugu eoo celiyaan si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles