Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay xarigga iyo waxa ay ku tilmaameen “xabsi guri iyo qafaal siyaasadeed” oo loo geystay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid siyaasadaysan, isla markaana la xiriirta khilaafka u dhexeeya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xisbiga ayaa tilmaamay in Taliye Mahad uu muddo dheer u adeegayay qaranka Soomaaliyeed, isagoo door muuqda ka soo qaatay hay’adaha amniga sida ciidanka booliska iyo Asluubta, islamarkaana uu ku suntanaa ilaalinta sharciga.
Sidoo kale, Himilo Qaran ayaa ka digay in falalkan ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah, ayna keeni karaan xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.
Xisbiga ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu si degdeg ah u joojiyo tallaabooyinka ay ku tilmaameen sharci-darro, isla markaana uu ixtiraamo dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbada la xiriira xuquuqda muwaadiniinta.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku adkeeyay madaxda dowladda in ciidanka qalabka sida aan loo adeegsan dano siyaasadeed, lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta kala qeybsanaan iyo xiisad hor leh.


