Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu ay weerar ku qaadeen ciidan Israa’iil ah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan subaxnimadii Jimcaha maanta ah.
Kooxda ayaa sheegtay inay “tiro gantaallo ah” ku weerartay ciidamada Israa’iil iyagoo ku sugnaa meel u dhow magaalada Al-Khimah, ee Nabatieh, abbaare 05:50 wakhtiga geeska Afrika.
Israa’iil weli kama hadlin arrintan.
Xabad joojin ayaan weli lagu heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa’iil ay weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta, mas’uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan oo Arbacadii dhacay – duqeymo cusub oo dhex maray Israa’iil iyo Hezbollah ayaa xalay sidoo kale dhacay.
Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay “in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ka jirta Lubnaan”, saacado ka dib markii uu sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lubnaan.


