Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay howlgallo ballaaran maalmahan ka wadaan deegaano ka tirsan Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.
Howlgalladan oo weli socda ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Qalley, Qalaawiley Qumbi, Weel-marow, Caano-Booro iyo Farshabeel ee gobolka Jubada Hoose, iyo sidoo kale Guduudey, Bilisa iyo Hargaysa-Yareey oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.
Intii ay socdeen howlgaladaasi, ciidamada ayaa dilay 43 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka 27 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo dagaalyahanno.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub noocyo kala duwan ah oo ay isticmaalayeen maleeshiyaadka.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in si buuxda looga saaro maleeshiyaadka Al-Shabaab deegaanada ay weli kaga sugan yihiin Jubbooyinka, isla markaana dib loogu soo celiyo amniga iyo xasiloonida shacabka.
Howlgalladan ayaa waxaa garab siinaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo taageero dhinacyo kala duwan leh ka bixinaya, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ciidamada Dowladda Jubaland iyo CXD ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa, iyadoo la doonayo in maleeshiyaadka laga ciribtiro guud ahaan deegaanada Jubbooyinka.


