Sunday, February 15, 2026

Xubno katirsan Al Shabaab oo ku dhintay qaraxyo ay diyaarinayeen

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeeaha Dhaxe, ayaa sheegaya in xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab xalay ku geeriyoodeen qaraxyo nuuca miinada ah oo ay diyaarinayeen, kaddib markii ay qaraxyadaasi si lama filaan ah iyaga ugu qaraxday.

Xubno katirsanaa Al Shabaab , ayaa la sheegay in qaraxyada miino ku diyaarinateen deegaanka Bursha Sheekh ee katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, qaraxyadan ayaana xubnihii diyaarinayay iyaga ku qaraxday, waxaana kasoo gaartay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in ay maqleen jugta qaraxa miino ee ku qaraxday raggii diyaarinayay, waxa ayna xuseen in ay arkeen xubno qaraxyadaasi ku dhintay iyo kuwa kale oo dhaawacyo culus kasoo gaartay oo goobta laga qaaday.

Kooxda qaraxii ay diyaarinayeen ku qaraxday ayaa qorshahoodu ahaa in ay miinooyinkaasi ku aasaan wadooyin ay isticmaalaan ciidanka dowladda iyo dad shacab ah, hasa ahaate kooxdaasi ayaa dhagartii ay maleegayeen iyaga dib ugu soo laabatay.

Al Shabaab, ayaa marar badan khasaarooyin kala duwa kala kulmay qaraxyo ay diyaarinayeen oo iyaga ku qaraxday, waxa ayna inta badan miinooyinka ay kooxdan waddooyinka ku aasaan khasaarooyin kasoo gaartay dad shacab ah oon waxba galabsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa...

Midowga Afrika oo si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga...

Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar,...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo weli ka socda dalka Itoobiya

Midowga Afrika oo xaruntiisa ku taalla magaalada Addis Ababa...

Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles