Tuesday, March 3, 2026

Xukuumadda Soomaaliya oo shir Muqdisho uga furtay Ururrada Siyaasadda ee isu diiwaan geliyay Doorashada Qof iyo Cod

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha Qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo Qaran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles