Tuesday, August 11, 2026

Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku weeraray magaalada Mukha ee Yeman

Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu ay weerareen magaalada dekedda ah ee Mukha.

Qoraal lagu daabacay barta X ee ciidamada Yeman ayaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ay “gantaallo ballistic ah ku rideen” magaalada ku taalla xeebta Badda Cas. Ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in la weeraray xarumaha iyo goobaha dekedda magaalada.

Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran iyo Ciidamada Militariga ee Yemen oo taageero ka helaya Sacuudiga Carabiya.

Sanadkii 2000, Xuutiyiinta waxay Yemen ka bilaabeen kacdoonno dhowr ah oo ka dhan ah madaxweynihii muddada dheer xukunka hayay, Cali Cabdullaahi Saalax. Waxay dalbanayeen madax-bannaani dheeraad ah oo ay ka helaan xukunkiisa adag, gaar ahaan gobolka ay ku xoogan yihiin ee waqooyiga Yemen.

Weerarradan ayaa inta la ogyahay lagu dilay ugu yaraan toddobo qof.

Sanadkii 2011, kacdoonnadii shacabka ee loo yaqaanay “Guga Carabta” ayaa ku qasbay Madaxweyne Saalax inuu xukunka ku wareejiyo ku-xigeenkiisa, Cabdi-Rabbu Mansuur Haadi.

Intii uu Haadi xukunka hayay, Xuutiyiinta waxay heshiis la galeen Saalax oo xilka laga tuuray iyo qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee weli daacadda u ahaa. Waxay la wareegeen gobolka Sa’da ee waqooyiga Yemen, ka dibna waxay qabsadeen caasimadda Sanca.

Sanadkii 2015, fallaagada ayaa qabsaday inta badan galbeedka Yemen, taas oo ku qasabtay madaxweynihii inuu dalka ka baxsado.

Sacuudi Carabiya oo deris la ah Yemen ayaa ka baqday in Xuutiyiintu la wareegaan dalka oo dhan, isla markaana Yemen ay u beddelaan goob ay wakiil uga noqdaan Iran oo ay Sacuudiga u aragto cadow.

Sacuudi Carabiya ayaa markaas sameysay isbahaysi ka kooban dalal Carbeed, waxayna si rasmi ah u gashay dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, sanado duqeymo cirka ah iyo dagaallo dhulka ah ka dib, Xuutiyiinta weli lagama saarin deegaannadii ay horey u haysteen.

Xuutiyiinta ayaa waxa kordhiyeen awoodooda islamarkana waxay sameeyeen iska caabin.

WARARKII KALE

Janan iyo ciidankiisa oo ku biiray Jubbaland iyo DF oo loogu adkaaday Gobolka Gedo

Taliyihii Nabad sugida ee Gobolka Gedo ugu magacownaa DF...

Uganda oo Ciidamada Afrika isugu Keentay Kampala, Soomaaliya iyo AUSSOM oo laga arrinsanayo

Dowladda Uganda ayaa magaalada Kampala ka furtay shir muhiim...

Puntland oo sheegtay in la soo afjaray wejigii koowaad howlgalkii ka socday Mudug

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo...

Wasiir Fiqi oo Isbitaalka Madiina ku Booqday Askarta CXDS ee ku Dhaawacmay Weerarkii Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Cumaan oo sheegtay in ay tallaabo ka qaaddayso xakamaynta saliid ku daadatay xeebaha koonfureed

Dowladda Cumaan ayaa Isniintii sheegtay inay waddo dadaallo lagu...

Trump oo sheegay inuu u jawaabi doono Netanyahu

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan jawaab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles