Kadib duqeymihii ay fuliyeen Isbahaysiga Sucuudiga ee lagu beegsaday maraakiib ka yimid dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay inay hub si qarsoodi ah u geynayeen Mukalla oo ay maamulaan kooxda STC ee Yemen ayaa Dawladda Sucuudigu soo saartay digniinteedii ugu horreysay taasoo ku socota Imaaraadka Carabta.
Imaaraatka Carabta ayaa lagu wargaliyay in ciidanka uu Imaaraadku taageerro ee Golaha Koonfurta Yemen (STC) inay halis gelinayaan amniga qaranka Sacuudiga , kaddib markii STC ay ku dhawaadeen dhulka Sacuudiga.
“ Imaaraadku, wuxuu ka wadaa koonfurta Yemen tallaabooyin khatar gelinaya amniga Sacuudiga… ma aqbali doono waana khad cas, si adag ayuuna Sacuudiga uga jawaabaya iskuday kasta oo halis gelinaya dhulkiisa.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka kale Dowladda Yemen ayaa ka baxday heshiiskii difaac ee kala dhexeeyey Imaaraadka Carabta, iyada oo 24 saac u qabatay in ciidamada dal kaasi ay kaga baxaan dhulka Yemen, sida ay ku dhawaaqeen Hoggaanka Yemen.


