Taliska NISA oo sheegay in duqeyn lagu dilay xubnihii ugu badnaa oo ka tirsan Al-shabaab

War ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee abaabulka dagaal ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose.

Howlgalladan ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 40 dagaalyahan, isla markaana lagu burburiyay fariisimo iyo goobo ay gabaad ka dhiganayeen.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga degmada Maxaas, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad la diyaarinayay si ay falal argagixiso uga fuliyaan deegaannada ku dhow.

NISA waxay sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay ilaa 17 xubnood, laguna burburiyay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Dhinaca kale, howlgal ka dhacay howdka deegaanka Buulo-naagey ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay 23 xubnood oo la sheegay in halkaas lagu soo uruuriyay si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidanka iyo isu-socodka amniga gobolka.

Howlgalkan ayaa lagu wiiqay isku day ay maleeshiyaadku doonayeen in deegaankaasi uga dhigtaan marin ay ku dhibaateeyaan amniga.

NISA ayaa sheegtay in ay sii kordhinayso dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Si kastaba, hay’addu ma soo bandhigin sawirrada iyo magacyada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalladan.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka ay kordhiyeen cadaadiska militari ee ka dhanka ah maleeshiyaadka, si loo xoojiyo amniga gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles