Taliska NISA oo sheegay in duqeyn lagu dilay xubnihii ugu badnaa oo ka tirsan Al-shabaab

War ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee abaabulka dagaal ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose.

Howlgalladan ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 40 dagaalyahan, isla markaana lagu burburiyay fariisimo iyo goobo ay gabaad ka dhiganayeen.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga degmada Maxaas, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad la diyaarinayay si ay falal argagixiso uga fuliyaan deegaannada ku dhow.

NISA waxay sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay ilaa 17 xubnood, laguna burburiyay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Dhinaca kale, howlgal ka dhacay howdka deegaanka Buulo-naagey ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay 23 xubnood oo la sheegay in halkaas lagu soo uruuriyay si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidanka iyo isu-socodka amniga gobolka.

Howlgalkan ayaa lagu wiiqay isku day ay maleeshiyaadku doonayeen in deegaankaasi uga dhigtaan marin ay ku dhibaateeyaan amniga.

NISA ayaa sheegtay in ay sii kordhinayso dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Si kastaba, hay’addu ma soo bandhigin sawirrada iyo magacyada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalladan.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka ay kordhiyeen cadaadiska militari ee ka dhanka ah maleeshiyaadka, si loo xoojiyo amniga gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles