𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐔𝐪𝐚𝐲𝐛𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐇𝐒𝐉 𝐞𝐞 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐮𝐧𝐬𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐅𝐒

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustaf Dhuxuloow ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay xarunta dhexe ku dhawaad 30 Uqaybsanayaasha HSJ ee safaaradaha iyo qunsuliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku leedahay dalalka caalamka.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay xaaladda adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ka helaan dibadda, iyadoo la dhagaystay caqabadaha jira iyo warbixinnada ku saabsan habsami u socodka howlaha. Waxaa kale oo lagu gorfeeyay qorshaha dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqada, si loo fududeeyo adeegyada laguna dardargeliyo habraacyada casriga ah ee ay hay’addu ku taageerto shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa kala hadlay Uqaybsanayaasha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqaynta hay’adaha dowladda iyo isku xirka joogtada ah ee safaaradaha iyo xarunta dhexe ee HSJ. Waxa uu sidoo kale faray Uqaybsanayaasha in ay xoogga saaraan hagaajinta shaqada, fududeynta adeegyada, iyo ilaalinta sumcadda qaranka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda jooga ay u helaan adeeg degdeg ah oo hufan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles