Friday, March 6, 2026

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, Antoine Gérard, ayaa sheegay in ay adag tahay in la ogaado tirada dhimashada maadama ay aan la gaari karin dhulka ay dhibaatadu ka dhacday.

SLM oo ah koox hubeysan oo gacanta ku haysa dhulka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa mar sii horeysay sheegay in ugu yaraan kun qof ay ku dhinteen dhulka soo dumay.

Roobab da’ayay maalmo ayaa sababay Axadii in dhul taag ah uu soo dumo kaas oo inta badan tuulada Tarseen dhulka la simay sid ay ku sheegeen qoraal ka soo baxay kooxda SLM.

Kooxda SLM ayaa ka dalbaday kaalmo bani’aadannimo Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga.

Dad badan oo ku nool waqooyiga Darfur ayaa u soo barakacay buuraha gobolka Marra kaddib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya militeriga Sudan iyo kooxda RSF.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo labo mas’uul oo Safiirnimo u dalacsiiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xildhibaanadii Puntland ee laga hor istaagay inay tagaan Garoowe oo loo fasaxay

Xildhibaanada ka soo jeeda deegaannada Puntland ee dhowaan dowladda...

MW Xasan Sheekh oo caawa la kulmaya Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaadanaya...

Madaxda Hir-shabeelle oo boogaadiyay go’aanka labada aqal ee ansixinta dastuurka dalka

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si...

Iiraan oo duqeysay Qudus

Ciidamada milatariga ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Iiraan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles