Tuesday, September 2, 2025

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, Antoine Gérard, ayaa sheegay in ay adag tahay in la ogaado tirada dhimashada maadama ay aan la gaari karin dhulka ay dhibaatadu ka dhacday.

SLM oo ah koox hubeysan oo gacanta ku haysa dhulka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa mar sii horeysay sheegay in ugu yaraan kun qof ay ku dhinteen dhulka soo dumay.

Roobab da’ayay maalmo ayaa sababay Axadii in dhul taag ah uu soo dumo kaas oo inta badan tuulada Tarseen dhulka la simay sid ay ku sheegeen qoraal ka soo baxay kooxda SLM.

Kooxda SLM ayaa ka dalbaday kaalmo bani’aadannimo Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga.

Dad badan oo ku nool waqooyiga Darfur ayaa u soo barakacay buuraha gobolka Marra kaddib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya militeriga Sudan iyo kooxda RSF.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

Soomaaliya oo laga cafiyay deymaha 75% oo ay ku laheyd Ururka Jaamacada Carabta

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles