Thursday, April 30, 2026

Xildhibaanadii Puntland ee laga hor istaagay inay tagaan Garoowe oo loo fasaxay

Xildhibaanada ka soo jeeda deegaannada Puntland ee dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xayirtay magaalada Muqdisho, ayaa saaka u amba baxaya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, sida ay sheegayaan wararka.

Xildhibaanadan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Airport Hotel ee Muqdisho, kadib markii la sheegay in loo diiday inay ka safraan caasimadda.

Wararka ayaa tilmaamaya in dowladda ay ugu dambeyn u ogolaatay inay safraan, kaddib markii shakay Xildhibaanada iyo Senatorrada Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka, sida laga soo xigtay xildhibaanada ka soo jeeda Puntland.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in magaalada Garoowe ay ka socoto qabanqaabada soo dhoweynta Xildhibaanadan.

Marka ay gaaraan Garoowe, waxaa lagu wadaa inay kulan wadatashi ah la yeeshaan Madaxweynaha Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, ka dibna ay qaataan go’aan kama dambeys ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles