Ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland oo kaabiga ku haya degmada Jamaame

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa gaaray deegaanada dhanka woqooyi kaga beegan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo kaabiga ku haya magaalada oo muddo dheer xarun u ah maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii howlgallo cir iyo dhul ah oo qorsheysan ay ciidamada isbahaysan ka fuliyeen tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Jamaame. Duqeymo culus oo ay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamka ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay Al-shabaab ka samaysteen deegaanada Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile.

Wararka ka imaanaya goobaha howlgalka ayaa xaqiijinaya in la burburiyay fariisimo istaraatiiji ah oo Khawaarijtu halkaas ku lahayd, waxaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda, halka tiro kale la dhdhaawacay.

Sidoo kale waxaa la qabtay rag maxaabiis ah oo u qaabilsanaa miinooyinka iyo qaraxyada Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la fashiliyey miinooyin dhowr ah oo lagu diyaariyay waddooyinka ay isticmaalaan shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in weli howlgalo ay ka socdaan duleedka degmada Jamaame.

Wararka ayaa sheegaya in culeys weyn uu soo food saaray maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles