Ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland oo kaabiga ku haya degmada Jamaame

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa gaaray deegaanada dhanka woqooyi kaga beegan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo kaabiga ku haya magaalada oo muddo dheer xarun u ah maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii howlgallo cir iyo dhul ah oo qorsheysan ay ciidamada isbahaysan ka fuliyeen tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Jamaame. Duqeymo culus oo ay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamka ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay Al-shabaab ka samaysteen deegaanada Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile.

Wararka ka imaanaya goobaha howlgalka ayaa xaqiijinaya in la burburiyay fariisimo istaraatiiji ah oo Khawaarijtu halkaas ku lahayd, waxaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda, halka tiro kale la dhdhaawacay.

Sidoo kale waxaa la qabtay rag maxaabiis ah oo u qaabilsanaa miinooyinka iyo qaraxyada Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la fashiliyey miinooyin dhowr ah oo lagu diyaariyay waddooyinka ay isticmaalaan shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in weli howlgalo ay ka socdaan duleedka degmada Jamaame.

Wararka ayaa sheegaya in culeys weyn uu soo food saaray maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles