Friday, July 10, 2026

Daraawiishta Galmudug oo xalay weerar ku qaaday saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel Lahelay ee Bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka tirsan ururka Galayr ayaa ka dhacay aagagga ku dhow Ceel Lahelay, waxaana ciidamada ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku jireen xubno ka tirsan kooxda argagixisada.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ugu yaraan toddoba maleeshii lagu dilay weerarka, isla markaana ay weli daba-gal ugu jiraan xubno kale oo halkaas ka firxaday. Ciidamada ayaa sheegay in ay gabi ahaanba ka saareen kooxdu meelo ay gabaad uga dhiganayeen deegaankaas.

Maadaama uu howlgalka dhacay xilli habeen ah, saraakiishu waxay tilmaameen in aan weli si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee kooxda soo gaaray. Hase yeeshee, waxa ay sheegeen in ay filayaan in tiradu ka badan tahay inta la arkay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in weli howlgallo amni oo kala duwan ay ka socdaan deegaanka Ceel Lahelay, iyadoo saraakiishu balan-qaadeen in ay bulshada la wadaagi doonaan warbixin rasmi ah marka ay soo dhameystiraan baaritaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo Muhiim ah

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

M/weyne Xasan Shiikh oo ka qeybgalaya tababar loo soo xiray saraakiil cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Kuuriyada Waqooyi oo xoojinaysa nukliyeerkeeda iyo ciidamadeeda

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dalkaasi uu...

Toogasho ka dhacday meel u dhow goobta lagu aasay hoggaamiyihii hore ee Iiraan

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles