Mustaf Dhuxulow oo si adag ugu hadlay arrinta E-visa ee muranka badan dhalisay

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay diidmada iyo dhaleeceynta uu la kulmay nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah ee eVisa, isagoo sheegay in barnaamijka lagu qaaday olole aan xaqiiqo ku dhisnayn.

Dhuxulow ayaa tilmaamay in eVisa uu yahay nidaam muhiim u ah mideynta iyo isku haynta dalka, islamarkaana uu fududeeyay adeegyada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in isagoo taageero filayay uu halkii ka helay eedeymo aan sal lahayn.

“Maanta waxaan sugayey taageero, maadaama eVisa uu isu soo dhoweeyey Soomaalida uuna howl-bowle u yahay isku haynta dalka. Ma sugayn in barnaamijka la duro. eVisa waxaa laga fidiyey been-abuur, waana la soconaa dadka ka dambeeya. Ma aqbalayno in barnaamijyada qaranka lafdhabarta u ah la weeraro,” ayuu yiri Agaasimaha.

Dhuxulow ma uusan bixin wax jawaab ah oo ku saabsan su’aasha ku saabsan in la jabsaday nidaamka iyo xog la faafiyay, taas oo ahayd su’aasha ugu badan ee bulshada laga sugayay.

Wararku waxay muujinayaan in Hey’addu ay dhawaan soo bandhigi doonto faahfaahin dheeri ah oo la xiriirta amniga nidaamka eVisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles