Wednesday, June 24, 2026

Booliska Guriceel oo soo saaray amar cusub oo lagu sugayo Amniga

Booliiska Guriceel oo mamnuucay baabuurta leh muraayadaha madoow

Taliska Booliiska degmada Guriceel ayaa maanta soo saaray amar cusub oo lagu mamnuucayo in gudaha magaalada lagu wado baabuur kasta oo leh muraayado madoow (beensal), kuwaas oo carqaladeeya amniga iyo daba-galka dambiyada.

Ujeedada amarkan ayaa ah adkeynta amniga guud, ka hortagga falalka amniga lidiga ku ah, iyo in la helo muuqaal cad oo sahla howlaha baarista iyo ilaalinta shacabka.

“Baabuur kasta oo lagu qabto isaga oo wata muraayado madoow oo aan sharciyeysneyn waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah, iyadoo la raacayo xeerarka amniga ee degmada Guriceel.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliiska Guriceel wuxuu shacabka iyo darawallada ku boorinayaa in ay u hoggaansamaan amarkan, si loo xaqiijiyo wada-shaqeyn, nabadgalyo iyo kala dambeyn.

“Amniga waa wada-jir, ilaalintiisuna waa masuuliyad wadareed,” ayuu yiri Taliska.

Shacabka magaalada ayaa lagu wargeliyey in la raaco amarkan si looga hortago waxyeelo kasta oo ka dhalan karta adeegsiga muraayadaha madoow ee aan sharciga waafaqsanayn.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay ganacsade caan ka ahaa degmada Guriceel halkaasi lagu dilay.

WARARKII KALE

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles