Tuesday, November 18, 2025

Booliska Guriceel oo soo saaray amar cusub oo lagu sugayo Amniga

Booliiska Guriceel oo mamnuucay baabuurta leh muraayadaha madoow

Taliska Booliiska degmada Guriceel ayaa maanta soo saaray amar cusub oo lagu mamnuucayo in gudaha magaalada lagu wado baabuur kasta oo leh muraayado madoow (beensal), kuwaas oo carqaladeeya amniga iyo daba-galka dambiyada.

Ujeedada amarkan ayaa ah adkeynta amniga guud, ka hortagga falalka amniga lidiga ku ah, iyo in la helo muuqaal cad oo sahla howlaha baarista iyo ilaalinta shacabka.

“Baabuur kasta oo lagu qabto isaga oo wata muraayado madoow oo aan sharciyeysneyn waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah, iyadoo la raacayo xeerarka amniga ee degmada Guriceel.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliiska Guriceel wuxuu shacabka iyo darawallada ku boorinayaa in ay u hoggaansamaan amarkan, si loo xaqiijiyo wada-shaqeyn, nabadgalyo iyo kala dambeyn.

“Amniga waa wada-jir, ilaalintiisuna waa masuuliyad wadareed,” ayuu yiri Taliska.

Shacabka magaalada ayaa lagu wargeliyey in la raaco amarkan si looga hortago waxyeelo kasta oo ka dhalan karta adeegsiga muraayadaha madoow ee aan sharciga waafaqsanayn.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay ganacsade caan ka ahaa degmada Guriceel halkaasi lagu dilay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo u mahadceliyay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa uga mahadceliyay hogaamiyayaasha caalamka...

Xamaas oo diidday qorshaha Trump ee Qasa

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amniga...

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles