Saturday, August 8, 2026

Nin lagu eedeeyay inuu Gowracay wiil 14 jir ah oo lagu qabtay Dhoobley

Ciidamada Amniga degmada Dhoobley ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Jeelle Maxamed Cusmaan, kaasi oo lagu eedeeyay inuu fal arxan-darro ah u geystay laba wiil oo 14 sano jir ah.

Jeelle Maxamed Cusmaan ayaa la sheegay inuu toorey ku weeraray labada wiil xilli ay kasoo soo baxeen dugsiga Qur’aanka.

Mid ka mid ah wiilasha ayaa  ku geeriyooday,  halka kan kalena uu dhaawac culus ka soo gaaray.

Dhaawaca ayaa lagu daawaynayaa isbitaalka degmada Dhoobley.

Laamaha Amniga ayaa muddo ku raad joogay eedaysanaha, ugu dambeynna ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan, iyadoo hadda socda baaritaan dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo sababaha ka dambeeyay falka naxdinta leh.

Masuuliyiinta booliiska ayaa bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka noocan oo kale ah, isla markaana sharciga lagu hanto dadka dambiyada ka gala deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles