Jubbaland oo ku baaqday la qabto shir wada-tashi Qaran si loo helo Hoggaan mideeya dalka

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujinayo walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka sii kordhaya ee ka dhex jira hay’adaha dowladeed ee heer federaal iyo federaal-goboleed.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso xilli masiiri ah oo u baahan hoggaan mideeya, kuna saleysan dan-wadaag siyaasadeed iyo ka fogaanshaha dano gaar ah. Wuxuu hoosta ka xariiqay in horumarka dalka uu ku xiranyahay in la helo hannaan siyaasadeed oo isku duuban oo ka jawaaba baahiyaha shacabka.

Isagoo ka hadlayey xaaladda Jubbaland, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in ammaanka, xasiloonida iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladnimada, isla markaana ay degdeg u baahan yihiin in khilaafaadka jira si dhab ah loo xalliyo.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu ku baaqay in la qabto shir deg-deg ah oo aan shuruudo lagu xirin, kaas oo ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka. Shirkaan ayaa looga arrinsan lahaa arrimaha masiiriga ah ee saamaynta ku leh midnimada ummadda iyo wadajirkeeda.

Waxa uu ku adkeeyay in musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada 2026 lagu wargeliyo lana waafajiyo go’aannada ka soo baxa Golaha Wada-tashiga Qaranka. Tani, ayuu yiri, waa muhiim si loo hubiyo in doorashooyinka dalka u dhacaan si xasiloon, isla markaana loo dejiyo jiho siyaasadeed oo mid ah.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ugu baaqay, In uu si geesinimo leh u qiimeeyo xaaladda dalka oo dhan,In uu hoggaamiyo shacabka isagoo mudnaanta siinaya waxa maanta macquul ah oo lagu gaari karo heshiis, ammaano iyo horumar, iyo In uu ka gudbo dano gaar ah, kuna haga bixiyo hoggaan mideeya ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa xusay in Soomaaliya aysan awoodi karin kala jiidasho siyaasadeed oo sii socda, balse ay u baahan tahay hoggaan ku dhisan cadaalad, wada-tashi qaran, iyo ixtiraam dastuuri ah. Wuxuu caddeeyay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato dadaallada lagu mideynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles