Wednesday, April 15, 2026

Golaha Ammaanka:-Soomaaliya oo codkeeda ku biirisay dadaalka caalamiga ah ee xasilinta Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa caawa ansixiyay qaraar uu soo diyaariyay Mareykanka, kaasi oo taageeraya Qorshaha Nabadda Gaza, kaas oo ka mid yahay in la geeyo ciidamo caalami ah oo ku-meel-gaar ah si loo xaqiijiyo xasillooni kadib laba sano oo dagaal dhiig badan ku daatay.

Qaraarkan ayaa waxaa aqbalay 13 dal, halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen, taas oo u muuqatay oggolaansho aan toos ahayn.
Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka si buuxda u taageeray qaraarka, taas oo muujinaysa mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan nabadda iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah.

Qaraarka cusub wuxuu dhigaya In la joojiyo colaadda Gaza. In la dhiso maamul ku-meel-gaar ah oo caalami ah, In ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo iyo In laga hawlgalo dib u dhiska iyo gargaarka bani’aadamnimo.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku bogaadiyay waddamada Golaha Ammaanka ee ansixiyay qorshaha nabadda, isagoo mahadcelin ku daray Soomaaliya.

Trump wuxuu sheegay in tallaabadan ay “taa­riikh dunida u horseedaysa nabad waarta” isla markaana uu ku faraxsan yahay in dalal badan oo saameyn leh ay isla garteen in xal loo helo Gaza.

Go’aanka Golaha Ammaanka ayaa ah bilow cusub oo ku saabsan xalkii muddada dheer laga raadinayay Gaza.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles