Madaxweynaha Tanzania oo wasiirkii Soomaaliga ahaa beddeshay gabadheedana xil u magacowday

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ku dhawaaqday gole wasiirro cusub oo ka kooban 27 wasiir, taasoo ah isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka dowladda, tallaabadan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta waxqabadka iyo kordhinta waxqabadka dowladda ee xilliga lixaad.

Madaxweyne Samia oo ka hadlaysay aqalka madaxtooyada Chamwino ee magaalada Dodoma ayaa sheegtay in isbedellada ay ku jiraan dhismaha wasaarado cusub, beddelaadda qaar ka mid ah wasaaradihii hore iyo in dowladda la soo dhexgaliyo wajiyo cusub.

Xubnaha la magacaabay markii ugu horeysay waxaa ka mid ah Wanu Ameir oo ah gabadha madaxweynaha oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, sayniska iyo tignoolajiyada iyo Paul Makonda oo laga soo doortay magaalada Arusha oo loo doortay inuu ka mid noqdo wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta, fanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Madaxweyna Samia ayaa sidoo kale wasiirka caafimaadka u magacowday wiilka ay soddogga u tahay Mohammed Mchengerwa.

Waxay sidoo kale dib u soo celisay dhowr wasiir oo hore oo ay ku jiraan barafasoor Adolph Mkenda, Jumaa Aweso, barafasoor Makame Mbarawa iyo barafasoor Paramagamba Kabudi.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah wasiirradii caanka ahaa ee uu ka mid ahaa Xuseen Baashe oo ahaa wasiirka beeraha, ayaan ku soo noqon golaha wasiirada cusub.

Wasiirka beeraha ayaa haatan loo magacaabay Daniel Chongolo.

Aqalka looga arrimiyo dalkaasi Tanzania ayaa xaqiijiyay in dhammaanba wasiirrada iyo ku xigeennadooda la filayo in la dhaariyo maanta, iyadoo xafladda dhaarintooda ay ka dhacayso magaalada Dodoma.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles