Golaha Ammaanka:-Soomaaliya oo codkeeda ku biirisay dadaalka caalamiga ah ee xasilinta Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa caawa ansixiyay qaraar uu soo diyaariyay Mareykanka, kaasi oo taageeraya Qorshaha Nabadda Gaza, kaas oo ka mid yahay in la geeyo ciidamo caalami ah oo ku-meel-gaar ah si loo xaqiijiyo xasillooni kadib laba sano oo dagaal dhiig badan ku daatay.

Qaraarkan ayaa waxaa aqbalay 13 dal, halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen, taas oo u muuqatay oggolaansho aan toos ahayn.
Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka si buuxda u taageeray qaraarka, taas oo muujinaysa mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan nabadda iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah.

Qaraarka cusub wuxuu dhigaya In la joojiyo colaadda Gaza. In la dhiso maamul ku-meel-gaar ah oo caalami ah, In ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo iyo In laga hawlgalo dib u dhiska iyo gargaarka bani’aadamnimo.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku bogaadiyay waddamada Golaha Ammaanka ee ansixiyay qorshaha nabadda, isagoo mahadcelin ku daray Soomaaliya.

Trump wuxuu sheegay in tallaabadan ay “taa­riikh dunida u horseedaysa nabad waarta” isla markaana uu ku faraxsan yahay in dalal badan oo saameyn leh ay isla garteen in xal loo helo Gaza.

Go’aanka Golaha Ammaanka ayaa ah bilow cusub oo ku saabsan xalkii muddada dheer laga raadinayay Gaza.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles