Iran oo shaaca ka qaaday halkii lagu dilay taliyihii ciidamada cirka dalkaasi

Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in taliyihii ciidamada cirka Iran, Amir Ali Hajizadeh, iyo taliyoyaal kale lagu dilay qolka howlgalada dagaalkii socday 12-ka maalmood.

Afhayeenka, Ali Mohammad Naeini, ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka Mehr u sheegay in sidoo kale taliye Hossein Salam lagu dilay xarunta ciidamnada.

Mr. Naeini wuxuu beeniyay “in layaab ku aheyd Iran” isagoo sheegay in cutubyo howlgala la diyaariyay si ay u qaadaan weeraro rogaal celis ah waxyar kaddib weerarkii Israel.

Wuxuu sheegay afhayeenka in weerarada gantaalada dib loo dhigay 10 ilaa iyo 12 saacadood, sababtuna ay aheyd si loo soo magacaabo taliye cusub oo madax u noqda Ilaalada Kacaanka.

Werarkii Israel ee dhacay goor subax hore ah 13-kii June, waxay Israel ku beegsatay saraakiil badan oo madax u ahaa ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo sidoo kale khubaro iyo saraakiisha barnaamijka nukliyeerka.

Isla markii uu weerarka dhacay saraakiisha ciidamada waxay xaqiijiyay geerida Major Janaraal Mohammad Bagheri, oo ahaa taliyaha ciidamada, Hossein Salam oo ahaa taliyaha ciidamada Ilaalada yo and Gholam Ali Rashid.

Qofkii ugu horeeyay ee geeridiisu sheegaan warbaahinta Israel waxa uu ahaa Amir Ali Hajizadeh, markaas kaddib ayey dowladda sheegtay.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles