Wednesday, April 15, 2026

Kenya oo muwaadiniinteeda u xaqiijisay in la xakameeyay weerar dhanka Internetka ah lagu qaaday dhowr wasaaradood

Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinta u xaqiijisay in la xakameeyay weerar dhanka Internetka ah oo subaxnimadii Isniinta lagu qaaday dhowr wasaaradood.

Dhowr mareegaha ama wesit-yada dowladda ayaa si kumelgaar ah hawada looga waayay ka dib weerar ay qaadeen koox isku tilmaamtay PCP@Kenya.

War qoraal ah oo uu soo saaray 17-kii November, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo, ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay habab u gaar ah si ay uga jawaabto shilalka noocaan oo kale ah oo ay u xakameyso xaaladda, iyadoo si dhow ula shaqeysa dadka ay khuseyso si loo yareeyo saameynta iyo soo celinta gelitaanka goobaha ay dhibaatadu saameysey.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa cambaareeyay falkan lagu jabsaday, wuxuuna sheegay inay xadgudub ku tahay shuruucda Kenya iyo heshiisyada caalamiga ah ee lagu dhaqmo, oo ay ka mid yihiin Xeerka Ku-takri-falka internet-ka iyo Dembiyada Internetka, Xeerka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Kenya, iyo Sharciga Ilaalinta Xogta.

Wasaaradaha la weeraray ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta, Shaqada iyo Biyaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles