Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka AS Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo AS ay ku haysteen afduub. Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii ay AS ku dhibaatayn jirtay dadka rayidka ah.

Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan kooxaha AS ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles