Golaha Wasiirada Soomaaaliya oo maanta ansixiyay Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey shuruuc iyo hehsiisyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey;

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto.

3.⁠ ⁠Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka.

4.⁠ ⁠Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.

5.Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira ammaanka guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed iyo Arrimaha Abaaraha.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa golaha u soo bandhigay warbixin la xiriirta dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha looga jawaabayo wax ka qabashada abaaraha , iyada oo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faray hey’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrintan in ay si deg-deg ah uga jawaabaan oo gurmad lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles