Farmaajo oo cambaareeyay xariga sharci darada loo geystay Muwaadinin Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyey xarigga sharci-darrada ah iyo tacaddiga lagula kacay Kaamil Cabdi Macow, oo ka mid ah dhallinyarada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dhallinyarada iyo dimuqraadiyadda, kaasi oo muddo maalmood ah si aan sharci waafaqsaneyn loogu hayey magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Farmaajo wuxuu sheegay in ay tahay arrin laga argagaxo in muwaadin Soomaaliyeed lagu cadaadiyo aragtidiisa siyaasadeed, shaqadiisiina laga qaado si loogu khasbo in uu ku biiro urur-siyaasadeed gaar ah. Tallaabadan, ayuu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa, Dastuurka dalka, Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, Heshiisyada iyo mabaadi’da caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, iyo qiyamka dimuqraadiyadda Soomaaliyeed.

Farmaajo wuxuu dowladda ugu baaqay:

  1. In si degdeg ah oo shuruucda waafaqsan loo sii daayo Kaamil Cabdi Macow,
  2. In loo soo celiyo xuquuqdiisii shaqo iyo magacii shaqsiyeed ee la duudsiiyey,
  3. Iyo in la joojiyo dhammaan ficillada caburinta iyo hanjabaadda siyaasadeed ee lagu hayo shacabka, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta xuquuqdooda.

Madaxweynihii hore ayaa wuxuu ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo kuwa shaqaalaha rayidka ahi ku dhaqmaan sharciga, isla markaana aan loo adeegsan ujeeddooyin siyaasadeed oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles