Farmaajo oo cambaareeyay xariga sharci darada loo geystay Muwaadinin Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyey xarigga sharci-darrada ah iyo tacaddiga lagula kacay Kaamil Cabdi Macow, oo ka mid ah dhallinyarada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dhallinyarada iyo dimuqraadiyadda, kaasi oo muddo maalmood ah si aan sharci waafaqsaneyn loogu hayey magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Farmaajo wuxuu sheegay in ay tahay arrin laga argagaxo in muwaadin Soomaaliyeed lagu cadaadiyo aragtidiisa siyaasadeed, shaqadiisiina laga qaado si loogu khasbo in uu ku biiro urur-siyaasadeed gaar ah. Tallaabadan, ayuu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa, Dastuurka dalka, Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, Heshiisyada iyo mabaadi’da caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, iyo qiyamka dimuqraadiyadda Soomaaliyeed.

Farmaajo wuxuu dowladda ugu baaqay:

  1. In si degdeg ah oo shuruucda waafaqsan loo sii daayo Kaamil Cabdi Macow,
  2. In loo soo celiyo xuquuqdiisii shaqo iyo magacii shaqsiyeed ee la duudsiiyey,
  3. Iyo in la joojiyo dhammaan ficillada caburinta iyo hanjabaadda siyaasadeed ee lagu hayo shacabka, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta xuquuqdooda.

Madaxweynihii hore ayaa wuxuu ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo kuwa shaqaalaha rayidka ahi ku dhaqmaan sharciga, isla markaana aan loo adeegsan ujeeddooyin siyaasadeed oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles