Maxkamadda Gobolka Mudug oo maanta bilaabaysa dhageysiga Kiiska Dilka Gabadhii Yar ee Ka dhacay Gaalkacyo

Maanta, Maxkamadda Gobolka Mudug, qeybteeda darajada koowaad, ayaa si rasmi ah u bilaabaysa dhagaysiga kiiska dilka naxdinta lahaa ee gaaray gabadh yar oo dhawaan lagu diley magaalada Gaalkacyo.

Kiiskaan waxaa loo haystaa haweeneydii guriga ka shaqaysan jirtay ee marxuumadda daryeeli jirtay, taas oo maalmo ka hor ay ciidamada amniga u xireen eedeymaha ka dhanka ah falka dilka ah.

Haweeneyda la eedeynayo ayaa horey baraha bulshada ku soo muqatay iyada oo tacaddi iyo jirdil ku sameynaysa marxuumadda, isla markaana uu muuqday aflagaado iyo dhibaato nafsiyeed oo ka horreysay geerida gabadha yar.

Maxkamadda ayaa maanta bilowday dhagaysiga garmaqalka kiiska, waxaana la filayaa in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah, iyadoo qoyska marxuumadda iyo bulshada reer Gaalkacyo ay si dhow ula socdaan hannaanka garsoorka ee kiiskan culus.

Maxkamaddu waxay ku wargelisay hay’adaha amniga in ay soo gudbiyaan dhammaan caddeymaha iyo markhaatiyaasha muhiimka ah si loo xaqiijiyo cadaaladda loo hayo geerida gabadha yar ee bulshada gilgishay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles