Maxkamadda Gobolka Mudug oo maanta bilaabaysa dhageysiga Kiiska Dilka Gabadhii Yar ee Ka dhacay Gaalkacyo

Maanta, Maxkamadda Gobolka Mudug, qeybteeda darajada koowaad, ayaa si rasmi ah u bilaabaysa dhagaysiga kiiska dilka naxdinta lahaa ee gaaray gabadh yar oo dhawaan lagu diley magaalada Gaalkacyo.

Kiiskaan waxaa loo haystaa haweeneydii guriga ka shaqaysan jirtay ee marxuumadda daryeeli jirtay, taas oo maalmo ka hor ay ciidamada amniga u xireen eedeymaha ka dhanka ah falka dilka ah.

Haweeneyda la eedeynayo ayaa horey baraha bulshada ku soo muqatay iyada oo tacaddi iyo jirdil ku sameynaysa marxuumadda, isla markaana uu muuqday aflagaado iyo dhibaato nafsiyeed oo ka horreysay geerida gabadha yar.

Maxkamadda ayaa maanta bilowday dhagaysiga garmaqalka kiiska, waxaana la filayaa in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah, iyadoo qoyska marxuumadda iyo bulshada reer Gaalkacyo ay si dhow ula socdaan hannaanka garsoorka ee kiiskan culus.

Maxkamaddu waxay ku wargelisay hay’adaha amniga in ay soo gudbiyaan dhammaan caddeymaha iyo markhaatiyaasha muhiimka ah si loo xaqiijiyo cadaaladda loo hayo geerida gabadha yar ee bulshada gilgishay.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles