Israa’iil oo ku dhowaad 30 Falastiiniyiin ah ku dishay Qaza

Afhayeen u hadlay waaxda Difaaca Madaniga ah ee Falastiin, ayaa sheegay in 27 qof ay ku dhinteen duqeymo dhowr ah oo ay Israa’iil Arbacadii ka geysatay qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza ee la go’doomiyay iyo kuwa la burburiyay

Maxmuud Bassal, oo ah afhayeen la hadlay wakaalada wararka ee AFP, waxaa uu u sheegay in 12 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3 dumar ah iyo 6 caruur ah ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay deegaanka Zeitoun ee bariga magaalada Gaza, halka labo lagu dilay labo weerar oo ka dhacay xaafada Shujaiya

Waxaa uu intaa ku daray in 13 qof ay ku dhinteen oo ay ku jiraan 4 carruur ah iyo 4 dumar ah, halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza

Ciidanka Israa’iil ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay bilaabeen duqeymaha “bartilmaameedyada Xamaas” ee guud ahaan marinka Qaza, ka dib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen goob ay ciidamadoodu kaga hawlgalayeen Khan Younis oo ku taalla koonfurta marinka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada

Milateriga Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in tani ay ka dhigan tahay jebinta heshiiskii xabbad joojinta, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, annagoo ka jawaabayna waxaan bilownay inaan weerarno bartilmaameedyada argagixisada Xamaas ee guud ahaan marinka Qaza.

Xamaas ayaa cambaareysay duqeynta Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu doonayo inuu dagaalka dib u billaabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles