Ciidamada xoogga oo deegaanka Cali Heele ku dilay Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay garab ka yihiin ciidamada dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Cali Heyle ee hoostaga magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

La wareegitaanka deegaanka ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo ciidamada huwanta ah ay maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen gobolka.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gudaha deegaanka ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay horjoogihii kooxda ee deegaanka, Axmed Sheekh Cumar, iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Saraakiishu waxay sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay burburinta shabakadaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya tuulooyinka ku yaalla bariga Galgaduud.

Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale maanta gaaray tuulooyin kale oo ay hore ugu sugnaayeen maleeshiyaad Al-Shabaab ah, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano iyo nadiifin amni. Waxaa la sheegay in kooxihii halkaas ku jiray ay qaarkood isaga carareen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen.

Wararka ka imaanaya Masagawaa ayaa sheegaya in weli howlgal culus uu ka socdo deegaanada hoostaga magaalada, iyadoo ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ay ku wajahan yihiin goobo kale oo muhiim u ah maleeshiyaadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

Shiinaha iyo Jarmalka oo u digay muwaadiniintooda booqanaya Faransiiska

Raysalwasaaraha Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa siiyay magaalooyinka Faransiiska awood...

Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Madasha Samatabixinta...

Guddoomiye Jaamac oo shaki geliyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles