Thursday, June 25, 2026

MW Xasan Sheekh oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey waxbadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in qabashada Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, dhismaha xurunta wasaaradda iyo dib u habaynta arrimaha Xajka ay muujinayaan mudnaanta koowaad ee dowladdu ay siinayso culimada iyo diinteenna suubban ee Islaamka.

“Waxaan bogaadinaya wax-qabadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hirgelisay Machadka Sare ee Shareecada oo ay ka qalinjabiyeen dufcadii ugu horreysa oo 197 arday, haddana ay socoto daraasadda dufcadii labaad, Waxaa kale oo guul weyn ah in la dhagax-dhigay Majliska Daarul-Iftaa oo aan rajeynayo in mustaqbalka dhow lagu qaban doono shirarka waaweyn ee culimada, dhammaan waa tusaale muuqda oo dadka dhaxal reeb u noqon doona, waxa ayna ku timid daddaal iyo hufnaan shaqo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay inay mideeyaan awooddoda, si ay hormuud ugu noqdaan shacabka Soomaaliyeed uguna hagaan midnimo iyo wadajir, taas oo door muuqda ka qaadan karta dowladnimo sal adag leh, bulsho toosan oo wacyigeedu sarreeyo, lana jaan qaada umadaha kale ee caalamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles