Senator Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Dad-dhigista

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, Kalfadhigiisa 7aad, kulankiisa 9aad ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga kaasi uu guddoomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),

Kulanka maanta oo uu ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Sadad Alio, iyo Diiwaanhayaha Guud ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, Mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye.

Ugu dambeyn, kadib ansixinta Sharciga Wasiiru-dowluhu ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare meelmarinta sharcigan muhiimka ah, oo ah tallaabo horumarineed oo lagu xoojinayo nidaamka dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles