Ciidamada xoogga oo deegaanka Cali Heele ku dilay Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay garab ka yihiin ciidamada dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Cali Heyle ee hoostaga magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

La wareegitaanka deegaanka ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo ciidamada huwanta ah ay maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen gobolka.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gudaha deegaanka ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay horjoogihii kooxda ee deegaanka, Axmed Sheekh Cumar, iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Saraakiishu waxay sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay burburinta shabakadaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya tuulooyinka ku yaalla bariga Galgaduud.

Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale maanta gaaray tuulooyin kale oo ay hore ugu sugnaayeen maleeshiyaad Al-Shabaab ah, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano iyo nadiifin amni. Waxaa la sheegay in kooxihii halkaas ku jiray ay qaarkood isaga carareen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen.

Wararka ka imaanaya Masagawaa ayaa sheegaya in weli howlgal culus uu ka socdo deegaanada hoostaga magaalada, iyadoo ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ay ku wajahan yihiin goobo kale oo muhiim u ah maleeshiyaadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles