Koofur Galbeed oo DFS ka dalbatay in loo gacan geliyo Xildhibaan Jeesow

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga codsaday dowladda dhexe in ay u soo gacan geliso Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu door ku leeyahay xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanada Yaaq-Birweyne iyo Wanla-weyn

Wasiirka amniga ee Koofur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maamulka uu doonayo in xildhibaanka loo horkeeno maxkamad, si loo marsiiyo cadaaladda, haddii lagu helo eedaha la xiriira kicin, hurinta colaadaha iyo amni-darrada deegaanka.

Wasiirka ayaa xusay in dagaalka Yaaq-Birweyne iyo Wanlaweyn uusan ahayn mid qabyaaladeed oo keliya, balse uu salka ku hayo dano siyaasadeed iyo falal fool xun oo lagula kacay dadka deegaanka, kuwaas oo aan la aqbali karin in lagu soo celceliyo.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya kadib markii Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu shir uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku dhaliilay ciidamada Koofur Galbeed, iyo kuwa xoogga dalka gaar ahaan Guutada 7aad, isaga oo ku eedeeyay inay geysteen dilal ka dhan ah shacabka deegaanka.

Xildhibaan Jeesow ayaa hadalkiisa ku yiri:
“Carruur iyo Hooyooyin ayey Yaaq-Biriweyne ku dileen Guutada 7aad ee uu wato Axmed Gaashaan. Hello Gaal Jecel, waxaad amar u qabtaan in aad isdifaacdaan.”

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday beesha uu kasoo jeedo uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana uu u baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo.

Hadalka Xildhibaanka ayaa si weyn u kiciyay xaaladda, waxaana maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen in hadallada noocan ah ay abuuri karaan xiisad hor leh, taas oo sababtay in ay codsadaan in dowladda dhexe tallaabo ka qaado.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles