Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wadahalay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan waxaa uu kula yeeshay magaalada Aljeer Saalma Bekhta Mansuuri, oo ah Xoghayaha Dowladda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Labada mas’uul ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha muhiimka ah ee qaaradda Afrika, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal lagu xoojinayo wadashaqeynta gobolka iyo dadaallada mideysan ee labada dal ay ka qaadan karaan arrimaha istaraatiijiga ah.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

WARARKII KALE

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

Soomaaliya iyo dalal kale oo cambaareeyay tallaabo ay qaaday Colombia

Soomaaliya iyo 18 dal oo kale ayaa si wadajir...

Maraykanka oo war ka soo saaray marinka Hormuz

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in “inta ugu badan” weerarrada...

Garyaqaanka Guud oo Baarlamaanka ka dalbaday inuu ka jawaabo dacwadda ka dhanka ah Dastuurka cusub

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles