Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beegsanaya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isagoo hadallo arrimo kala duwan uu kaga hadlay oo uu jeediyay bulshada ku tilmaamay inay “waxba ku soo kordhin… anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan.”

Isagoo ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Mareykanku “aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin.”

Hadalladiisu waxay imaanayaan iyadoo la filayo inay billowdaan howlgal lagu sheegay in lagu qaban-doono dadka laga soo saaray amarro masaafurisah oo ku sugan gobolka Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda.

Mas’uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku doodaya in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa cambaareeyay qorshaha Trump, iyagoo ku tilmaamay “cunsuriyad” iyo isku day lagu khaldayo bulshada.

“Waxaan soo dhaweyneynaa taageerada ku saabsan baarista iyo maxkamadeynta dambiyada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Minnesota ee Dimuqraadiga ah, Tim Walz, oo ahaa musharraxa madaxweyne ku xigeenka ee Kamala Harris ee doorashadii 2024, isla markaana maalmahan si adag ugu jawaabayay madaxweynaha.

“Laakiin buunbuuninta iyo in si indho la’aan ah loo beegsado muhaajiriinta ma aha xal dhab ah oo loo hayo dhibaatada.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles