Xisbiga Sheekh Shariif oo MW Xasan Sheekh eedeeyay inuu barakicinayo Ciidamada Qaranka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay tacadiyada joogtada ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan beegsiga bulshada danyarta ah iyo barakicinta si loo banneeyo dhul ay ku doodayaan in sharci-darro lagu boobayo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay wali ka socdaan tacadiyo baahsan oo lagula kacayo shacabka danyarta ah, iyadoo ciidanka Qaranka loo adeegsanayo barakicinta dadka si xoog ah.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sheegay inuu ka war-helay in shaqsiyaad heysta ogolaansho ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay ku howlan yihiin dhulboob hor leh oo ka dhacay meelo ka baxsan goobihii ay deganaayeen shacabka.

Xisbiga ayaa muujiyey in ay la yaab ku noqotay damiir la’aanta iyo ku tagrifalka maamulka dowladda, gaar ahaan markii ciidankii loo adeegsanayay amniga lagu arkay in lagu cabburinayo shacabka danyarta ah ee la barakicinayo, kuwaas oo mar horeba ka cabanayay boobka dhulka iyo sharci-darrada ka jirta magaalada.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa tilmaamay cabasho ka timid saraakiil ka tirsan ciidamada iyo qoysaskooda oo ku nool degmooyinka Xamar-Jajab iyo xaafadaha Sarandi, Sheelare, Buula-weekiyo iyo Fardoley, kuwaas oo sheegay in barakicinta xoogga ah ee socota ay muujinayso in Madaxweynaha uu dhaafay xayndaabka dowladda, kuna tillaabsaday ficillo ka dhan ah muwaadiniinta iyo ciidanka Qaranka ee u adeegaya shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles