Tuesday, January 13, 2026

Maxaa ka cusub kiiska Haashin ee seddexda gabdhood ku dilay Nairobi iyo Maxkamada oo markale la horkeenay

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa shalay si rasmi ah u bilowday dhageysiga dacwadda loo heysto Haashim Dagane, oo ah muwaadin Soomaali ah, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si naxariis-darra ah u dilay afar haween ah oo ku noolaa xaafadda Islii.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in maxkamadda la horgeeyay muuqaallo ay duubeen kaamaradaha CCTV-ga, kuwaas oo muujinaya afduubka haweenka ka hor inta aan la dilin. Sarkaal ka tirsan waaxda DCI ayaa soo bandhigay caddeymaha muuqaalka ah ee baaritaanka ku jira.

Kiisaska loo heysto eedeysanaha waxaa ka mid ah saddex dumar ah oo ka wada tirsanaa hal qoys, kuwaas oo la dilay bishii Oktoobar 2024, waxaana uu dilay Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud  12 jir

Qoyska ayaa sheegay in maydka hooyada qoyska laga helay deegaanka Machakos, oo 61 km u jirta Nairobi.

Haweeneyda afaraad ee kiiska ku jirta waxay ahayd Deeqa Cabdinuur, oo iyadana la rumeysan yahay in lagu afduubay Islii, kaddibna loo geystay fal dil ah.

Maxkamadda ayaa weli socota iyadoo la filayo in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah oo ku saabsan safarradii eedeysanaha, socdaalkiisa gudaha magaalada, iyo xiriirka uu la lahaa haweenka la dilay. Qareennada qoysaska dhibbanayaasha ayaa dalbaday in kiis walba si madax-bannaan loo baaro, maadaama falalku muujiyeen nidaam iyo qorshe horay loo dejiyay.

Dhageysiga kiiska ayaa dib u bilaaban doona maalmaha soo socda, waxaana lasugayaa go’aanka maxkamadda ee ku saabsan caddeymaha la horkeenay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles