Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka hadlay dagaalkii ay ciidanka taabacsan kula wareegeen degmooyin iyo deegaamo katirsan gobolka Baay oo intiisa badan ka sii baxaya gacanta maamulka Madaxweyne Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Laftagareen ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Xaq-u-dirirka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed ay hawlgallo ka sameeyeen magaalada Baydhabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo lagu xoojinayo amniga laguna soo celinayo xasilloonida.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada taabacsan Laftagareen ay dib ula wareegeen degmooyinka Qansax-dheere, Diinsoor, Berdaale iyo deegaanka Awdiile iyadoo aan dhiig ku daadan, halka ay dagaal ku qabsadeen degmada Buurhakaba oo ay dagaal kula galeen ciidamo taabacsan xukuumadda Madaxweyne Aadan Madoobe.

WARARKII KALE

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles