Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul ugu falceliyey Hadalkii xalay ka soo yeeray MW Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ahaa in Talada uusan dhulka dhigi doonin, islamarkaana aysan socon doonin waxa ay rabaan Mucaaradka.

Qoraalka Farmaajo ayaa u qornaa sidan:-

Tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo hadallada uu jeediyey ilaa xalay ee ku saabsan laalidda wada-xaajoodka iyo heshiiska loo dhan yahay ee arrimaha doorashada waxa ay muujinayaan damaciisa gurracan ee ku aaddan xukun maroorsiga iyo hurinta colaad sokeeye.

In Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday uu ka laabto wadahadalladii muddada socday ee beesha caalamku ay garwadeenka ka ahaayeen, kana baxay heshiiskii ku saabsanaa in aanu qaban karin doorasho heer federaal ah oo aan heshiis lagu ahayn waxa ay caddayn u tahay in aanu diyaar u ahayn wadatashi iyo hannaan loo dhan yahay, yoolkiisuna yahay wakhti dheeraysi uu ku hirgelinayo doorasho uu natiijada qorto.

Saaxiibbada taageera Soomaaliya ee ku howllanaa xallinta khilaafaadka doorashada waxaan ugu baaqaynaa in aysan mar danbe ku kadsoomin baaqyada heshiiska iyo wadahadallada ee uu soo gudbiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaaday, maadama aysan jirin niyad wanaag iyo rabitaan dhankiisa ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan oo loo dhan yahay.

DHAMMAAD

WARARKII KALE

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

XFS oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan gogol wadatashi uu u fidin doono siyaasiyiinta mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Sarkaal Sacuudi ah oo eedey culus u jeediyey Iiraan

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa...

Trump oo sheegay inuusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan hubka nukliyeerka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles