Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay inuusan aqbalayn in talada la wadaago, isagoo erayga “talada dhexda dhig” ku tilmaamay mid khaldan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in cid kasta ay ra’yi leh ra’yigeeda ay soo jeedin karto, balse go’aanka ugu dambeeya uu isaga u madax-bannaan yahay, inuu ra’yigaas qaato ama uu iska diido.

“Talo dhex la dhigaayo majirto, dalkaan dowlad buu leeyahay. Rayigii fiican waa dhageysanaynaa” MW Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegaya in aan la hor istaagi karin damaciisa, Tala ogoleyn, balse keliya rayi’i ogolyahay.

Sidoo kale MW Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin siyaasi ay weerar ku qaadayaan oo gurigiisa Ciidamo la dhigay, balse qofkii Amni darro keena in DF aysan ka aamusayn ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Cid dagaal lagu qaadayo ama la weerarayo ma lahan, Guri la weeraro ma jiro, colaad ma rabno, talo dhexda la dhigayo ma jirto,siyaasi qori wata ma yeelayno”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay eedeynta loo jeediyo ee ah inuu leeyahay dhaqankii kaligii taliska.

“Xasan Sheekh kaligii talis ayuu noqonayaa aniga ma aaminsani, Odayaasha mucaaradka ee leh waana nala soo Weerarayaa.”

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli mucaaradka ay si cad u diideen hanaanka lagu wado doorashada dalka, taasi oo ay sheegeen in halis iyo khal khal siyaasadeed ay gelin karto dalka.

WARARKII KALE

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

XFS oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan gogol wadatashi uu u fidin doono siyaasiyiinta mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Sarkaal Sacuudi ah oo eedey culus u jeediyey Iiraan

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa...

Trump oo sheegay inuusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan hubka nukliyeerka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles