Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashada heer federaal ee maanta uu shaaciyay guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Farmaajo ayaa go’aanka guddiga ku tilmaamay mid hal dhinac ah, isaga oo ka digay in hannaanka doorasho ee dowladda federaalku waddo uu dalka gelin karo doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in guddiga doorashadu ku dhawaaqay go’aan aan heshiis siyaasadeed lagu salayn, isaga oo tallaabadaas ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku tilmaamay mid muddo xileedkiisu dhammaaday.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay madaxda hore ee dalka, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa dalbaday in dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo beesha caalamku ay kaalin ka qaataan xal u helidda khilaafka doorashada, isla markaana ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta si loo gaaro doorasho mideysan oo daah-furan.

Khilaafka ku saabsan hannaanka doorashada ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay isku hayaan habka loo wajahayo doorashada iyo heshiiska laga gaarayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

Kenya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee Cudurka Ebola. Yaa laga helay, sideese loola tacaalay

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii labaad ee nooca Bundibugyo ee...

Munaasabadaha waaweyn ee caalamiga ah ee Sacuudiga oo la baajiyay ama dib loo dhigay

Iyadoo weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha waaweyn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles