Kenya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee Cudurka Ebola. Yaa laga helay, sideese loola tacaalay

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii labaad ee nooca Bundibugyo ee cudurka Ebola, iyadoo mas’uuliyiinta caafimaadku ay sheegeen in bukaanka horey loo geliyay karantiil isla markaana lala socday xaaladdiisa maalin kasta ka hor inta uusan bilaabin inuu muujiyo calaamadaha cudurka.

War-saxaafadeed Arbacadii la soo saaray, ayaa agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth wuxuu sheegay in bukaanka oo 39 jir ah uu yahay qof ehel dhow la ahaa qofkii ugu horreeyay ee dalka laga helay cudurka Ebola. Wuxuu bilaabay inuu muujiyo calaamadaha cudurka 13-kii Oktoobar, waxaana isla markiiba la karantiilay qofkaas si loo baaro loona daweeyo.

Baaritaanno lagu sameeyay Shaybaarka Qaranka ee Fayraska (National Virology Reference Laboratory) iyo shaybaarka KEMRI-CDC ayaa xaqiijiyay inuu qaaday fayraska Ebola.

Ilaa hadda, waxaa Kenya laga xaqiijiyay laba kiis oo Ebola ah, cudurkuna wuxuu sababay hal dhimasho.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku, ogaanshaha hore ee cudurka ayaa muujinaya guusha laga gaaray tallaabooyinka karantiilka iyo raad-raaca dadka uu bukaanku la kulmay. Bukaanka ayaa weli helaya daryeel caafimaad iyo kormeer gaar ah oo ka socda xarun caafimaad oo loogu talagalay daweynta bukaannada Ebola.

WARARKII KALE

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

Munaasabadaha waaweyn ee caalamiga ah ee Sacuudiga oo la baajiyay ama dib loo dhigay

Iyadoo weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha waaweyn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles