Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa markab konteenarro sida oo ku gooshayay calanka Singapore ayaa ku degay marin-biyoodka Hormuz, kaddib markii uu ku dhacay gantaal ama shay kale oo aan la aqoonsan, xilli uu marayay marin-biyoodkaas, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Singapore.
Dhammaan 21-kii shaqaale ee saarnaa markabka GFS Pride ayaa la daadgureeyay, mana jirin cid wax ku noqotay weerarkii Talaadadii. Weerarka ayaa sababay burbur soo gaaray markabka iyo dab ka kacay, sida ay sheegtay Hay’adda Dekedaha iyo Badaha Singapore.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in markab kale oo konteenarro sida, laguna magacaabo GFS Giselle, oo isaguna sita calanka Singapore, uu Arbacadii waxyeello ka soo gaartay qaybta dibadda ee markabka kaddib markii uu ku dhacay shay aan la aqoonsan. Si kastaba ha ahaatee, markabku wuxuu gaaray meel ammaan ah oo maraakiibtu ku sugnaadaan, iyadoo dhammaan 22-kii shaqaale ee saarnaa ay badqabaan.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in markab uu ku dhacay miinooyin badeed, uuna ku degay xilli uu marayay marin ay ku tilmaameen mid “aan loo oggolayn” oo ku yaalla marin-biyoodka Hormuz.
Sawirro kale ayaa muujinayay konteenarro badan iyo alaabtii ay sideen oo ku dul sabbaynaya biyaha.


